Qoys ka kooban 30 qof oo hoy la’aan noqday kadib markii guryohooda la gubay

Waxaa isasoo taraya walaaca laga muujinayo qoys ka kooban 30 xubnood oo lagu soo waramay in ay heysato hoy la’aan, kadib markii ay dad aan la aqoonin dab qabadsiiyeen guryohooda.

Qoyskaan ayaa ka bara kacay aqalladooda intii uu socday weerarkaasi lagu gubay guryaha oo ku yaalla deegaan baarlamaaneedka waqooyiga Igembe ee maamul goboleedka Meru.

Guryaha dabka la qabadsiiyay ayaa lagu soo waramay in uu lahaa nin geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Peter Meme.

Xubno ka tirsan qoyska hoy la’aanta noqday ayaa sheegay ay falkaasi guryaha lagu gubay ku tuhunsanyihiin inuu ka dambeeyo nin horay kiro ahaan ugu daganaa gurigaas, kaasoo sida ay sheegeen doonaya in mid ka mid ah aqallada loo siiyo sharci ahaan.

William Kanampiu, Joseph M’Kailanya iyo Faith Kathure ka wada tirsan qoyskaas ayaa si wada jir ah u sheegay in ay tuhunka noocaasi ah qabaan.

Hase ahaatee ninka ay eedeyntaas u jeediyeen ayaa waxa ay dhawaan maxkamad ku amartay in uu bixiyo lacag kiro ah oo looga lahaa intii uu daganaa gurigaas, waxaana lagactaasi ay gaareysay Sh72,000.

Si kastaba, booliska ayaa hadda wada baaritaanno ay ku ogaanayaan cida masuulka ka ah weerarka lagu gubay guryahaasi oo aysan cirin cid ku dhaawacantay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *