Madaxweyne ku xigeenka dalka oo u safray magaalada Rio, si uu u dhiiri galiyo kooxda Ciyaaraha Olymbicada ee Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa gaaray magaalada Rio De Janaero ee waddanka Brazil, halkaasoo ay ka socdaan tartamada ciyaaraha Olymbicada aduunka oo ay ka qeyb galayaan kooxo fara badan oo ka socda caalamka.

Mr Ruto ayaa ujeedada safarkiisa waxa ay tahay in uu goob joog ka noqdo qaar ka mid ah tartamada, si uu dhiiri galin u siiyo kooxda ciyaartoyda ah ee ka socota Kenya.

Kooxda Kenya ka socota ayaa ka qeyb galeysa noocyada ciyaaraha Olymbicada eek ala ah Orodka, feerka, shiishka, lagdinta, qaadista culeyska, rugby-ga iyo dabaasha.

Booqashada madaxweyne ku xigeenka ayaan ka dhigneyn oo kaliya inuu dhiiri galin iyo niyad dhis siiyo siiyo ciyaartoyda Kenya, balse waxa uu sidoo kale yahay mid dowladda Brazil u muujinaya sida ay Kenya u qiimeyneyso xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Inta uu ku suganyahay dalkaas waxaa lagui wadaa in Ruto uu kulamo la yeesho qaar ka mid ah madaxda Brazil.

Brazil ayaa Kenya u aragta saaxiib aad muhiim ugu ah oo ku yaalla gobolka bariga Africa, waxaana xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dal uu bilowday sanadkii 1967-di.

Kenya ayaa markii ugu horeysay safaarad ka furatay caasimadda Barasilia ee wadanka Brazil sanadkii 2006-di, waxaana tan iyo xiligaas sii xoogeystay wada shaqeynta guud ee labada dowladood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *