Nin lagu soo eedeeyay in u xaaskiisa gacmaha ka jaray oo maxkamadda ay u diiday damin

Nin horey loogu soo eedeeyay in u xaaskiisa gacmaha kaga jaray deeganka Masii ee hoostagta Countiga Machakos ayaa waxa loo diiday in lagu sii dayo damin,Garsooraha maxkamadda dhageysaneysay kiiska ka dhanka ah Stephen Ngila oo lagu soo eedeeyay in u haweeney ahayd xaaskiisa u gacmaha ka jaray taas oo lagu magacaabo Jacqueline Mwende ayaa waxa u sheegay in ninkan lagu tuhunsan yahay in u ku kacay falkaas in u ku sii jiro gacanta booliska ilaa iyo inta baritaanada lagu wado laga soo dhameeyo.

Natiijada kiiskan oo ah mid aad looga dhur sugaayay ayaa waxa ka horeeyay labo codsi oo maxkamadda loo gudbiyay kuwaas oo ay soo kala gudbiyeen qareenada u doodaya Ngila iyo dacwad soo oogayaasha. Dacwad soo oogayaasha kiiskan ee u hoggaaminaayo qareenka Joseph Gikonyo ayaa waxa ay maxkamadda ku booriyen in ay taxadar weyn ka muujiso talaabada ay eedeysanaha ku siin lahayd damiin iyadoo eegeysa eedeymaha loo heysato Mr Ngila oo ah sayiga haweeneyda ka tabaneysa.

Falalka noocan ah oo ka dhex dhaca qooysaska wada jooga ayan ahayn kuwa ku cusub dalkan Kenya iyado oo ay horey u soo dhacayn kuwaas oo aalaba horseed u ah in xiriirka qoysaska lamanaha wada jooga u horseeda in u mad madoow soo kala dhex galo.

1 thought on “Nin lagu soo eedeeyay in u xaaskiisa gacmaha ka jaray oo maxkamadda ay u diiday damin

  1. In Clash Royale neա Arenas unlock tһe possibility tⲟ gеt new
    playing cards. But drawing ɑ brand new card at lɑter stages ߋf thе
    game іsn’t гeally rewarding simply Ƅecause the player is discouraged to experiment ԝith new cards.
    Тhе core loop at pгesent helps onlү upgrading cards and
    thеre aren’t ɑny modes oг features to push the
    gathering portion – mаking thе game rᥱally feel stale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *