5 qof oo ku geeriyootay Shil gaari oo ka dhacay Makindu

Shil gaari oo khasaaro gestay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Magaalada Makindu oo kutaalo inta u dhaxeyso wadada Magaaloyinka Mombasa iyo Nairobi.

Shilkani oo dhacay galbnimadii shalay oo la soo sheegayaa In ay ku dhinteen shan qof oo kamid ah uu ahaa cunugu yar oo dhalaan.

Shilkan oo ay kulug lahaayen laba gaari oo kala ah nooca yar yare e loo taxiga iyo Mataatu waxaana shanta ee geeriyootay ku dhinteen isla goobta uu shilkan ka dhacay.

Ciidamada wadooyinka ee loo yaqaano Trafikadda oo islamarkiiba gaaray goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay shegtay in dadka dhintay sedex kamid ah ay saarnaayen gaariga Mataatuda halka labada kalana ay kujireen baaburka kale ee saalunta.

Waxaa la aamisan yahay in gaariga mataatuda oo ay raacan rakaabka islamarkaana ka kooban 14-ka kursi uu si xowli ah ku socday ka hor inta uu si fool ka fool ah ugu dhicin gaariga kale.

Waxaa hadda laamaha amaanka ay bilaaben baaritano si ay ugu ogaadan sababta dhabta ah ee kadambeysay in uu dhaco shilkaasi iyadoo meydadka shantaasi qof loo qaaday Isbitaalka Makindu.

Shilkaasi ayaa waxa uu dhacay 8 saacadood kadib markii uu dhacay shil gaari oo ay ku dhinteen ardayda dhiganaysay school kuyaalo Countiga Kisii oo xiligaasi u dabaal dagayay bus loo soo iiibyay dugsigooda.

Ardaydaasi oo wax ka dhiganayay schoolka sare ee St Mary’s Nyamagwa gabdhaha ee ayaa waxaa la rogmaday gaarigii ay sarnaayen sida ay ku soo warameen dad goob joogayaal u ahaa dhacdadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *