Ciidamada booliska oo 3 burcad ah ku dilay xaafada Kayole ee magaaladatani Nairobi

Ciidamada booliska ee dalka ayaa saaka toogtay 3 eedeysanayaal ah  oo la aaminsanyahay in ay  xaafadda kayole ee magaaladatani Nairobi ka  fuliyeen  fal dhac oo  anaan lagu guleysanin.

Sido kale ciidamada ayaa burcadan ka qaaday  seddex rasaas ah.

Taliyaha saldhiga booliska ee Kayole Ali Nuno ayaa sheegay in saraakiisha booliska iyo burcadan ay isku heleen Mowlem  oo dhacdo  wadada Kangundo  halkaasna lagu toogtay.

Dhanka kale OCPD-ga kayole ayaa intaas ku daray in inspekta howlgalka hogaaminayay uu dhaawac ka  soo gaaray gacanta.

Dhanka kale isla saaka ayey sido kale ciidamada booliska  ee  xaafadda Changamwe oo ka tirsan Mombasa ku dileen labo dambilayaal ah oo in badan dhibaateynayay shacabka gobolka xeebta ee dalka.

Ugu dambeyntina  ugu yaraan 12 eedeysanayaal ah ayaa 4-tii maalmood ee ugu dambeyay la dilay halka guud ahaan  rasaas dhan 7 howlgalo kala duwan lagu soo qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *