Countiga Migori oo dalacsiiyay 300 oo ah hawl wadeenada caafimaadka si looga hortago shaqa joojin lagu waday in la dhaqaaqo

Dawladda Countiga Migori ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay dalaacsiisay 300 oo kamid ah hawl wadeenada ka hawlgala countigaas kuwaas oo lagu waday in ay shaqa joojin ku dhaqaaqan.

Hawl wadeenadaas la dalacsiiyay ayaa intooda badan ahaa kuwa doonayay in ay qalabka iska dhigaan taas oo cuuriyaamin lahayd hawlaha shaqo ee isbitaalada ay dawlada gacanta ku heyso.

Hawl wadeenadaas caafimaad ayaa waxa ay ka cabanaayen in aan la dalacsiin oo ay wali haayen kadib marki ay mudo sanadaha ay wali arkin wax hor u socod ah.

Ugu yaraan 302 hawl wadeeno ayaa maanta oo axad ah la siiyay warqadahooda muujinaayay in la dalacsiiyay.

Gudiga adeega dadweynaha ee Countigaas ayaa dadajiyay warqadaha dalacsiinta ee hawl wadeenadaaas waxda caafimaadka ee Countigaas Migori si ay uga soo hormaraan in ay cabashada ay soo gudbiyeen ay u tixgeliyaan iyado maanta ay ahayd maalinta kama dambeysta ah ee loo qabtay ismaamul goboleedka Migori in ay sidaas sameeyan haddi kalena ay hawl wadeenada ku dhaqaaqan shaqo joojin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *