Hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo dhaliilay sarakiisha gudiga IEBC

Hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sarakiisha  gudiga doorashooyinka iyo xuduudada ee IRBC ku dhaliilay in ay soo saareen xeer sida hadalka udhigay kala qeybsanaan ku saleysan.

Xeerkan ayaa ah mid la xiriira  lacagaha ku baxa ololaha siyaasadeed ee dalka.

Sido kale Kalonzo ayaa sheegay in sarakiishan ay ogoladeen in ay xafiiska baneyaan sidaas awgeedna ayan awood u laheyn in ay soo jeediyaan xeer ku saabsan  ololaha siyaasada .

Dhanka kale hogaamiyaha xisbiga Wiper  ayaa kaniisadaha ugu baaqay in ay ka hadlaan  waxyaabah shacabka lagu kala qeybinayo.

Ugu dambeyntina hadalkan ayuu Kalonzo musyoka ka jeediyay  Tuulada Kikoko    oo ka tirsan degaanka Kaiti  xili ay socotay munasabad lagu aasayay Cecilia Musaki,  oo ahayd hooyada Hellen Ndeti oo xubin ka ah golaha fulinta ee xisbiga Wiper.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *