Maamulayaasha dugsiyada dalka oo loogu baaqay in ay shaqaleysiiyaan darawaliin xirfad leh

Maamulayaasha dugsiyada sare ayaa loogu baaqay in ay shaqaleysiiyaan darawaliin xirfad u leh shaqada darawalinimada si loogaga hor tago shilalka ay ardayda ku nafwayaan.

Baaqan ayaa waxaa  jeediyay  agaasimaah shirkada biyaha ee  Tana Water Services Board Mr Mureithi Kang’ara.

Mr Kang’ara ayaa xusay in dugsiyada looga baahanyahay  in darawaliinta wadayo baaburta  laga soo xusho goobaha darawalnimada lagu barto ee la aqoonsanyahay.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in dugsiyada markii ay darawaliinta shaqaleysiinayaan aynan si buuxda turxaan bixin ugu sameynin tani oo keentay in ardayda ay shilalka wadooyinka ku dhintaan .

Mr Kang’ara  oo tacsi u diray qoysaska ardaydii ku geeriyooday shil maalintii jimcaha ka dhacay maamul goboleedka Kisii ayaa ka dhawaajiyay in maamulka dugsigaasi  ay qaataan masuuliyaada dhibaatadaasi ,darawalkii baska wadayna xabsiga loo taxaabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *