Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay ardaydii dhawaan ku dhintay shil ka dhacay countiga Kisii

Madaxweynaha dalkani Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa tacsi tiranyo leh u diray qoysaskii ay ka geriyodeen ardaydii dugsiga sare ee gabdhaha ee St Mary’s Nyamagwa Girls oo  ku naf waayay   shil gaari oo ka dhacay  maamul gobolkedka Kisii ee dalkani Kenya.

Bayaan shalay ka soo baxay xafiiska  madaxtooyada ee dalka ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku sheegay in waalidiinta ardaydan  uu murugada la qeybsanayo.

Shilkan oo dhacay jimcaha waxaa ku dhintay 3 arday ah kadib markii baskii ay saarnayeen uu ku gadoomay Nyambude  oo  ka tirsan  countiga Kisii .

Dhanka kale in ka badan 60  ayaa dhacadadan ku dhaawacmay.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in shilkan ay ku nafwayeen  da’a  yar heybad leh oo horumarka wadanka wax  badan ku soo kordhin lahaa.

Geerida ka dhalatay shilkan waa qasaaro soo  gaartay  qoyska, ehelada, asxaabta ardaydan iyo guud ahaan dalka ayaa Uhuru Kenyatta hadalkiisu raaciyay.

Dhanka kale waxaa uu madaxweynaha  darawaliinta ugu baaqay in ay si feejignaan ku saleysan babuurta u kaxeyaan si looga fogaado shilalka wadooyinka oo ay shacabku ku nafwayaan.

Ardayda uu shilkan dhaawaca ka soo garay oo cisbitaalada ku jiro ayuu sido kale madaxweynaha sheegay in uu u rajeynayo in xaaladoodu caafimad ay wanagsanaato.

Ugu dambeyntina shilkan ayaa ku soo begmaya maalmo ka dib markii  hal arday uu ku dhintay 7 kalena  uu dhaawac soo gaaray kadib markii  baskii dugsiga oo ay sarnayeen uu ku gadoomay wadada  Lang’ata  ee magaaladatani   Nairobi.

 

2 thoughts on “Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay ardaydii dhawaan ku dhintay shil ka dhacay countiga Kisii

  1. It’s perfect time to make some plans for the future and it’s time to be
    happy. I have read this post and if I could I want to
    suggest you few interesting things or advice. Perhaps you could write next articles
    referring to this article. I want to read more things about it! http://bing.org

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *