Madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki oo amaanay halyeeyga geeriyooday ee Mark Mwithaga

Madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki, waiiro iyo xildhibaano ka tirsan madax dalka ayaa amaanay Mark Mwithaga  oo ka mid ahaa halyeydii u soo dagaalamay xornimada dalka oo dhawaan ku geeriyooday maamul goboledka  Nakuru.

Siyaasigan rug cadaha ah ayaa isniinta   u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah isaga oo  79 sano.

Kibaki  iyo madaxdan kale ayaa hadalka lagu amaanay siyaasigan hore ka jeediyay  kaniisada Christ The King Cathedral oo ku taala  Nakuru  halkaas oo munaasabad baroordiiq ah loogu sameynayay Mark Mwithaga  .

Mwai Kibaki ayaa xusay in Mark iyo qoyskiisaba uu sanado badan aqoon u lahaa  oo uuna ahaa  hogaamiye la isku haleyn karo  oo ku dayasho mudan.

Dadkii ka soo qeyb galay munasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa  xildhibanada degaanka othaya Mary Wambui  iyo  wasiirka  dowlada wadaajinta Mwangi Kiunjuri  oo wakiil ka ahaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Fariinta ka timid madaxweynaha aya lagu sheegay in halyeygan uu ahaa shaqsi ka soo shaqeeyay dimuqaraadinimada dalka.

Waxaa sido kale ka qeyb galay baroor diiqa wasiirada jinsiyada Sicily Kariuki,  gavanaha countiga Nakuru  Kinuthia Mbugua,  ku xigeenkiisa Joseph Ruto,  xildhibaanka bariga Nakuru David Gikaria, Nakuru  iyo dhigiisa galbeedka countigaasi  Samuel Arama.

Mark Mwithaga ayaa markii ugu horeysay isaga oo xabsi ku jiro loo doortay in uu xildhibaan noqdo   sanadii 1966.

Tan iyo sdanadii 1979-kii ayuu aqalka baarlamaanka u matalayay  magaalada Nakuru.

Ugu dambeyntina Mark Mwithaga  ayaa jimcaha   lagu aasay  qubuurta Nakuru North Cemetery .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *