Nin loogaga shakisanaa argagixisanimo oo lagu dilay Diani oo ka tirsan countiga Kwale

Ciidamada booliska ee dalka ayaa howl gal ay ka fuliyeen magaalada Diani oo ka tirsan maamul goboleedka Kwale  ku dilay eedeysane looga shakisanaa in uu argagixiso ku lug leeyahay.

Sido kale waxay boolisku shegeen in ay howl galkan ku soo heleen labo bam gacmeed ah.

Tuulada  Vingirika   ee magaalada Diani ayay ciidamada la dagaalanka argagixisada ku toogteen  Mohamed Bakari kadib markii sida la sheegay uu bam ku soo tuuray.

Sida laga soo xigtay booliska ninkan oo la aaminsanyahay in uu ka soo laabtay  xarakada Al shabaab  aya lacag badan la baxsaday kadib markii uu dilay  qof ka shaqeynayay xarun Mpesa  oo ku taalo likoni.

Madaxa booliska ee Msambweni Benjamin Rotich  ayaa xusay in ay baacsanayeen dambiilahan oo uu sheegay in  aagaasi  uu  ka geystay falal dambiyeedyo kala duwan.

Booliska oo  intaas ku daray in ay  burcad kala ku daba jiraan ayaa shacabka uga mahadnaqay kaalinta ay howl galkan ka qateen.

Ugu dambeyntina toogashadan ninkan ayaa ku soo begmeysa  kadib markii dowlada ay ku dhawaaqday abaalmarin dhan 2 milyan oo shilin oo la siinayo cidii soo gudbisa macluumad wax ku ool ah oo fududeyn karo in xabsiga loo taxaabo Abdullahi Abdi Sheikh oo argagixisada lala xiriirinayo laamaha amaankana ay si weyn u raadinayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *