Odayaasha beesha wayu oo sheegay in ay tageeri doonan gavane Ukur Yatani

Gavanaha Countiga Marsabit Ukur Yatani ayaa waxa beesha wayu ee countiga Marsabit ay u xaqiijiyen in ay tageero u fidin doonan xiliga u isu soo sharixi doono in u markiisa labaad qabto xilka gavanatornimo ee Countigaas Marsabit.

Beesha Wayu ayaa waxa ay tahay beesha 5-aad ee aqbasha dalabka gavane Ukur Yatani ee ku aadan in u isu soo sharaxo in u qabto xilka gavanatornimo markiisa labaad doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo sanada inagu soo aadan ee 2017-ka.

Beeshan ayaa tageerada ay siineyso Ukur yatani sheegtay maanta xili ay countigaas ku qabatay shir ay kaga wada arrinsanaayen cida ay ku taageri lahaayen kuraasta kala duwan ee siyaasadeed ee loo hanqal taagayo in la qabto marka la gaaro doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo sanada inagu soo foodleh.

Ergada beeshan ee ka qeyb galay shirkan ayaa waxa ay ka kala yimaaden waddanka Ethiopia,Countiga Tana River,Countiga Isiolo iyo dhamaan sub countiyada Marsabit.

Mr Yatani ayaa waxa ay sidoo kale beesha u caleema saartay in u kamid noqdo oday dhaqameedka beesha.

1 thought on “Odayaasha beesha wayu oo sheegay in ay tageeri doonan gavane Ukur Yatani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *