Wadanka Kenya oo la sheegay in uu dunida ugu horeeyo kobaca dhanka dalxiiska

Dalkani Kenya aya sida laga soo xigtay shirkad  safarada qabilsan oo fadhigeedu yahay mareykanka sanadan  2016-ka noqday wadanka dunida ugu kobaca badan ee  dhanka dalxiiska.

Shirkadan oo lagu magacaabo Virtuoso ayaa sheegtay  in Kenya ay sanadan yimadeen  dalxiisayaal dhan boqolkiba 59 per cent.

Wadamada kale markii la eego waxaa Kenya ku soo  xigtay wadanka  Iceland  oo ay yimadeen  dalxiisayaal boqolkiba 56 Saint Martin  boqolkiba 39,  shiinaha boqolkiba  35, Ecuador  boqolkiba 34, Japan  boqolkiba 32,  koonfur Afrika  boqolkiba 28 halka Tanzania ay  tirada dalxiisayaal  ee yimid lagu qiyaasay boqolkiba  27.

Shirkadan oo bah wadaag la ah maqaaxiyo dhan  1,700 , shirkadaha duulimadka iyo kuwo dalxiiska ayaa ka dhawaajisay in tirade dalxiisayaasha ee yimaada qaarada Afrika ay bilihii la soo dhaafay sara u kaceen laguna qiyaasay boqolkiba 28.

Ugu  dambeyntina waxay shirkada Virtuoso  intaas ku dartay in wadamada Kenya, Tanzania  iyo koonfur Afrika  ay yihiin wadamada ugu horeeya ee maalgashiga  loogu soo hirto .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *