Faahfaahin kasoo baxeysa Xiisad colaadeed oo ka taagan deegaan ka tirsan degmada lagdheeraa

Xiisado colaadeed oo ba’an ayaa lagu soo waramaya in ay ka jiraan deegaanno hoos taga degmada Lagdheera ee maamul goboleedka Garissa iyo qeybo ka mid ah maamul goboleedka Isiolo.

1 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay halka mid kalena lagu dhaawacay weerar shalay oo axad ahayd ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceeldheere.

Colaaddaan ayaa salka ku heysa muranno dhinaca daaqsinka ah oo u dhexeeya bulshooyin xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda maamul goboleedyada Garissa iyo Isiolo oo daris ah.

Xoghayaha gudiga nabad galyada ee degmada Lagdheera ee is maamulka Garissa Hassan Abdi Hurre ayaa Idaacaddan Star Fm uga waramay sida ay wax u dheceen iyo xaaladdu sida ay tahay waqti xaadirkaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu dagaal dhex maray labada dhinac, walow aysan inoo suurta galin dadaallo aan u sameynay inaan ku helno dhinaca kale.

Dhacdadaan ayaa noqotay tii ugu horeysay ee dhimasho sababta oo laga soo tabiyay bulshooyinkaasi is khilaafsan oo murankooda uu in mudo ah soo jiitamayay.

Hase ahaatee isku dhacyada qasaaraha sababa ayaa marar kala duwan kusoo noqnoqday dadka reer guuraaga ah ee dagan qeybaha kala duwan ee Gobolka waqooyi bari, iyadoo mar walbana ay jiraan baaqyo nabadeed oo ku aadan joojinta colaadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *