Madaxweynaha dalka Zambia oo markale dib loo soo dortay

Madaxweyanaha dalka Zambi Edgar Lungu  ayaa ku markiisi labaad ku guulestay xilka madaxweynenimo kadib doorasho qalalaasa hareeyay oo ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Lunga ayaa ka adkaaday ninkii ay sida aadka kulatartamayay xilkaasi Hakainde Hichilema oo si aad ah ugu dhawaa sida ay maanta ku dhawaqeen gudiga doorashada ee dalkaasi Zambia.

Mr Lunga oo hogaamiyo xisbiga jabhada wadaniga ee PF ayaa helay codod dhan 50.35 boqlkiiba halka hogaamiyaha mucaaradka ee kutartamayay xisbiga UPND uu isagan helay codod dhan 47.67 boqolkiiba.

Garabka muvaaradka ayaa islamarkiiba qaadacay natiijadaasi kasoo baxday doorashada iyagoo sheegay in gudiga doorashada ay u janjeerayaan dhanka madaxweynaha waxayna sheegen in arintaasi ay maxkamad la tiigsan doonaan.

Mr Lunga ayaa xilkaasi hayay muddo dhan 19 bilood kadib markii uu Hakainde Hichilema  kaga guulestay codod dhan 280,000 taas oo kadambeysay kadib markii uu geeriyooday madaxweynahii hore ee dalkaasi Zambi Michael Sata.

Taagerayaasha Madaxweynaha hadda xilka loo doortay ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyagoo u dalbaal dagayo guushi uu soo hayay Mr Lunga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *