Dowlada oo sheegtay in Macalimiin cusub la qorayo bishan August

Dowlada dalka ayaa shaaca ka qaaday maanta oo talaada ah qorsha lagu doonayo in lagu qoro macalimiin cusub si loo yareeyo macaliimin yaraanta ka jirta dalka.

Gudiga adeega macalimiinta ee magacooda loo so gaabiyo TSC oo arintaasi shaaca ka qaaday ayaa waxay shegtay in la qori doono 7,000 oo barayaal si hoos loogu  dhigo macalin la’aanta ka jirta schoolada dalka.

Madaxa fulinta ee gudigaaasi Nancy Macharia oo xqiijisay qorshahaasi ayaa shegtay in 1,125 macaliimin oo loo daad gureyn doono dugsiyada sare halka 3,775 la filayo in la geeyo dugsiyada hoose dhaxe.

Ms Macharia ayaa xustay in macalimiinta doonaya in ay soo  dirsadaan waqrdahooda codsi looga baahan yahay in qofka uu ka yaraado 45 sano jir, in uu xirfad iyo aqoon u lee yahay shaqada uu codsanayo.

Barayaasha doonayo mise codsanayo in ay aqriyaan dugsiyada hoose dhaxe ayaa qasab looga dhigay in uu qofka hosta shahaadada P1 iyadoo dhamaa daneeneya ay warqadaha codsigyadooda geyn karaan xafisyada gudiga TSC ee countiyada dalka.

Codsiyadan ayaa ku ek 26 bishan Agosto.

Dhanka kale waxaa tilaabadan soo dhaweeyay ururyada macalimiinta ee dusiyada sare iyo kuwa hoose dhaxeba balse waxaa ay sheegen in tiradan ay dowlada ku dhawaqday ay tahay mid aad u yar.

KUPPET iyo KNUT ayaa waxay sheegen in tilaabo kasta oo lagu qorayo macalimiin ay soo dhaweynayaan balse tiradani ay tahay mid aad u yar marka labar bar dhigo macalimiin yaraanta kajirto schoolada ay maamusha dowlada.

TSC ayaa shegtay bishii June ee snadkan sheegay in sababaha ay waqti walbo sare ugu kacayaan macalin yaraanta dalka kajirto ay tahay ardayda schoolada oo kor u kacay taaso daba socota schoolada dowlada oo lacag la’aan lagu aqristo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *