Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo billaabaya booqashada gobolka xeebta

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu maalinta sabtida ah ee dabayaaqadaisbuucaan booqasho ku tago magaalada Mombasa ee Gobolka xeebta dalka.

Kenyatta ayaa halkaas la filayaa in uu ka furo shir ganacsi oo suuq ballaaran xariga looga jarayo, waxa uuna sidoo kale kulamo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Xeebta oo uu ka mid yahay Hassan Ali Joho oo ah Gavanarka Mombasa.

Safarka uu madaxweynaha qorsheynayo in uu ku tago gobolka Xeebta ayaa waxa uu kusoo aaday xili raysul wasaarihii hore ee dalka ahna hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD isagana uu maalinta bari ee arbacada ah billaabayo socdaal uu ku tagayo gobolkaasi.

War saxaafadeed uu maanta soo saaray Raila Odinga oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Idaacaddan Star Fm waxaa lagu sheegay in meelaha uu booqan doono ay kala yihiin maamul goboleedyada Taita Taveta, Kwale and Tana River.

Maalinta jimcada ah ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyaha CORD ka qeyb galshirka golaha ay ku bahoobeen garyaqaannada dalka ee magacooda loo soo gaabiyo LSK.

Hase ahaatee Mr Odinga ayaa dabayaaqada Isbuucaan soo af jari doona booqashadaas waxaana uu dib gobolka xeebta uga soo noqon doonaa maalinta Sabtida ah oo ku beegan waqtiga uu madaxweynaha gaarayo Mombasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *