Manchester City oo garoonka Arena nationala ku dubatay Steau Bucuresti

Kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City ayaa ciyaar ay la lahayd kooxda reer Romania ee Steau Bucuresti ay kooxda kaga adkaatay waxana ay ka dhalisay 5 gool iyo eber goolasheeda ayaa waxa u kala dhaliyay ciyaartoydeeda kala ah David Silva oo goolki 1-aad dhaliyay daqiiqadi 13-aad,goolka 2-aad ayaa waxa dhaliyay Sergio Aguero daqiiqada 41-aad,goolka 3-aad ayaa waxa isna dhaliyay ciyaaryahanka reer Spain ee Nolito daqiiqada 49-aad,waxa markale soo laabtay oo sefta gasha kala baxay dhaliyayna goolasha 4-aad iyo 5-aad weeraryahanka reer Argentina  Sergio Kun Aguero waxana u goolashaas kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah 78-aad iyo 89-aad.

Sidaasina ayaa luugta hore ee ciyaarti israreebka loogu soo baxaayay ciyaaraha Champions liiga ay guul uga gaartay kooxda Manchester City waxana ay suugeysa kooxdan reer Manchester in ay guul ka gaarto luugta labaad ee ciyaarahan si ay ugu soo baxdo ciyaaraha Champions liiga ee sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *