Markab shidaal siday oo laga afduubtay Malaysia

Dowladda Malysia ayaa shaaca ka qaaday in in markab siday shidaal tan kiisa gaarayo 900,000 oo liitar laga afduubtay xeebaha dalkeeda isla markaana loola dhaqaaqay dhinaca biyaha waddanka Indonesia.

Wasaaradda deegaanka ee dalka Malaysia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabkaasi oo lagu magacaabo Vier Harmoni, uu hadda ku suganyahay meel ka baxsan biyaha magaalada Vier Harmoni, ee waddanka Indonesia.

War saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda ayaan lagu xaqiijinin cidda ay yihiin dadka qafaashay markabkaasi siday shidaalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markabkaasi uu maalintii Isniinta ahayd ka shiraacday dekedda magaalada Tanjung Pelepas ee dalka Malaysia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *