1 qof oo ku dhintay waaskada lagu dabaasho ee hoteelka Hilton

Haweeney da’ dhexaad ah ayaa saaka ku hafatay kadibna ku geeriyootay waasko lagu dabaasho oo ku taalla Hotelka Hilton ee magaalada tan Nairobi.

Taliyaha saldhiga ciidamada booliska ee bartamaha Nairobi Paul Wanjama ayaa sheegay in haweeneydaasi ay u gashay waaskada si ay ugu qabeysato ama ugu istareexdo ka hor inta aysan seexanin.

Mr Wanjama ayaa intaas ku daray in haweeneyda dhimatay, qof saaxiibkeed ah iyo nin kale oo duuliye ah ay xalay madadaalo u aadeen meel ka mid ah xaafadda Westlands.

Taliyaha booliska Nairobi Japhet Koome ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhimashada haweeneydaasi.

Booliska ayaa meydka haweeneydaasi kasoo saaray biyaha dhexdooda iyagoo u gudbiyay xarunta meydadka lagu keydiyo ee magaalada tan Nairobi.

Lama oga sababta rasmi ah ee keentay in gabadhaasi ay ku hafato biyaha, balse Laamaha amaanka ayaa hadda wada baaritaanno ku aadan dhacdadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *