Taliyeyaasha booliska Kenya iyo Uganda oo booqday Jaziiradda Magingo

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada amaanka ee dalalka Kenya iyo Uganda ayaa kormeer u kuur galid ah ku sameeyay xaaladda Jazeeradda ay labada wadan ku muransanyihiin ee Magingo.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Joseph Boinnet iyo dhigiisa dalka Uganda Kele Kayihura ayaa booqday jazeeraddaas oo ku dhex taalla harada weyn ee Lake Victoria.

Labada masuul ayaa kulan amaanka looga hadlayay oo ay si wada jir ah u qabteen waxa ay la yeesheen saraakiisha laamaha amaanka ee jazeeraddaas iyo dadka deegaanka.

Boinnet iyo Kayihura ayaa halkaas u duulay maalintii arbacada ahayd ee shalay, waxaana ujeedada safarkooda uu ahaa in ay dadka ku dhaqan Jazeeradda Magingo u xaqiijiyaan in amaankooda uu yahay mid la sugayo oo masuuliyad ay ka saarantahay labada dalba.

Taliyeyaasha booliska Kenya iyo Uganda ayaa isla raacay diyaarad helicopter ah oo ay Kenya leedahay, iyagoo ugu dambeynna si wada jir ah dib ugu soo laabtay magaalada tan Nairobi.

In muddo ahba dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa ku muransan milkiyadda jazeeraddaasi, iyadoo labada dal mid kasta uu sheeganayo in uu isaga leeyahay jazeeradda.

Kalluumeysatada dhinaca Kenya ayaa marar badan ka coaday dhibaatooyin ay kala kulmaan dhinaca Uganda, waxaana ay si joogto ah caawinaad u weydiistaan dowladda Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *