Xiisado ka taagan Machakos kadib markii dad lagu dilay halkaas

Rabshado culus ayaa lagu soo waramayaa in ay ruxeen deegaanka Mitoboni ee maamul goboleedka, kadib markii halkaas lagu dilay 5 qof oo waardiyeyaal ahaa.

Weerarkaas oo ay fuliyeen kooxo aan heybtooda la aqoonin ayaa waxaa lagu dhaawacay ilaa 4 nin oo kale oo dhamaantood waardiyeyaal ahaa.

3 ka mid ah nimanka waardiyeyaasha ah ayaa ku dhintay isla goobta uu weerarka ka dhacay, sida laga soo xigtay taliyaha ciidamada booliska ee degmada Kathiani Mr Mildred Odima.

Ninka 4-aad ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray isagoo lagu daweynayay isbitaalka degmada Kathiani, halka kan 5-aadna uu ku geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka guud ee degmada Makuweni, maadaama ay dhaqaatiirta Maamul goboleedka Machakos haatan ku guda jiraan gadood shaqo joojin ah.

Dadka deegaanka oo si aad ah uga careysan dhacdadaan lagu weeraray raga waardiyeyaasha ah ayaa sameeyay rabshado sii kiciyay xiisadda halkaas ka taagan.

Salkaanka maamul saldhiga booliska ee Kenol oo lagu magacaabo Mr Osman Mohammed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku qasbanaadeen in ay rasaas kor u ridaan si ay u kala eryaan dadka rabshadaha sameynayay.

Dadka shacabka ah ee mudaharaadyada sameynaya ayaa wasiirka arrimaha guda ee dalka Joseph Nkaissery ka dalbaday in uu si toos ah usoo fara galiyo amni darrada sii kordheysa ee ka jirta deegaankooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *