Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka dalka oo geeriyooday

Mudanihii hore ee aqalka baarlamaanka u matali jiray degmada Nyakach Dennis Akumu ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada tan Nairobi, kadib markii uu muddo gaaban xanuunsanaa.

Xildhibaankaan horay uga tirsanaa aqalka sharci dajinta ayaa habeenimadii xalay ku dhintay isbitaalka Aga Khan, halkaasoo loo geeyay si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa.

Mr Akumu ayaa kursiga baarlamaanka loo doortay 2 waqti waxaana uu xildhibaan ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 1969-ki ilaa 1973-di iyo goor dambe oo ahayd intii u dhaxeysay 1992-di ilaa 1997-di.

Markii ugu horeysay ayuu siyaasigaan kursiga baarlamaanka helay isagoo ka tirsan xisbiga KANU oo xiligaas ahaa xisbiga siyaasadeed ee kaliya ee ka jiray dalka isla markaana talada hayay.

Hase ahaatee markii dambe ayuu Dennis Akumu jagada xildhibaannimada ku hantay doorashada uu ugu tartamayay xisbiga Ford Kenya.

Sidoo kale siyaasigaan rug cadaaga ahaa ayaa mar soo noqday xog hayaha guud ee ururka ay ku bahoobeen shaqaalaha dalka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaanno Cotu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *