30 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Gaziantep ee Turkiga

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay  halka 94 kalena ay ku dhaawacmeen  qarax lala beegsaday  xaflad aroos ah  oo ka socotay gobolka Gaziantep ee wadanka Turkiga.

Gobolkan ayaa ku yaala koonfurta Bari ee Turkiga waxaa uuna u dhowyahay xadka suuriya.

Qaraxan oo dhacay  saacada wadanka Turkiga  ee 11-ka habeenimo ee sabtidii ayaa laga fuliyay Akdere oo daris la ah   degmada Sahin Bey.

Gudoomiyaha gobolka Gaziantep Ali Yerlikaya, ayaa sheegay in  qaraxan ay fuliyeen kooxo argagixiso ah.

Sido kale, gudoomiyaha ayaa xusay in babuurta gurmadka ee loo yaqaano Ambulance loo diray goobta u qaraxan ka dhacay meydadka iyo dadka dhaawaca ahna  isbitaalada kala duwan la geeyay.

Mehmet Simsek oo ah raysul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa dhankiisu sheegay in qaraxa uu u muuqday mid u fuliyay qof naftiis hure ah.

Samil Tayyar oo xildhibaan ah ayaa bartiisa twitarka ku qoray in qaraxan  la aaminsanyahay in ay ka dambeyeen kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.

Halkii sano ee ugu dambeeyay , koonfurta bari ee Turkiga waxaa saameyay qaraxyo kala duwan oo lala xiriirinayo Isis iyo  falaagada PKK.

Seddex qof oo  la tuhmayo in ay ka tirsanyihiin ISIS ayaa  44  ruux bishii July ee sanadkan ku dilay garoonka diyaaradaha ee caasimada Istanbul ee Ataturk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *