4 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada Weyn ee Countiga Narok

Ugu yaraan 4 qof oo hal  qoys ka soo jeeda ayaa ku dhintay  shil gaari oo xalay ka dhacay wadada weyn ee isku xirta countiga Narok iyo  magaalada Mai mahiu.

Aaga duka moja oo uu shilkan ka dhacay ayey goob joogayaal ku sugnaa warbaahinta u sheegen in baabuurkii ay 4-tan qof ku safrayeen u wadada ka baxay oo u ku dhacay mid ka mid ah babuurta xamuulka oo la dhigay wadada dhineceeda.

Darawalkii waday  babuurka shilka  galay ayaa lagu daweynaya isbitaalka guud ee Narok xaaladiisana ay tahay mid liidato.

Meydadka  xubnaha qoyskan ee shilka ku nafwaayay ayaa la geeyay goobta lagu keydiyo meydadka ee isla isbitalkaasi.

Dhanka kale  shil gaari oo xalay  ka dhacay  magaalada  Masii, oo ka tirsan maamul goboleedka  Machakos  ayaa waxaa ku nafwaayay seddex qof oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *