Booliska oo raadinaya nin garoonka diyaaradaha ee JKIA kala baxsaday 25 milyan oo shilin

Ciidamada booliska ee dalka ayaa baacsanaya nin la sheegay in u ka mid yahay shaqaalaha shirkad ka shaqeyso arrimaha amaanka laguna macagaabo KK Security oo todobaadkii la soo dhaafay la baxsaday lacag dhan 25 milyan oo  shilin.

Ninkan ayaa la waayay kadib markii sida la sheegay u gacanta ku dhigay lacagtan isaga oo ku sugan garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaaladatan Nairobi.

Mr Handson Nyasaka ayaa lacagtan ka soo aruuriyay  Nyali waxaa uuna soo raacay diyaarada Kenya Airways oo uu uga dagay garoonka.

Kadib markii uu diyaarada ka soo dagay ayuu cararay oo uu talefoonkana dansaday.

Lacagtan ayaa sida laga soo xigtay  agaasimaha waaxda dambi barista ee laanteeda garoonka JKIA   ahayd doolarka mareykanka  oo dhan 50,000, 98,500  oo Euros  iyo  90,000  oo ah lacagta Swiss Franc ee  wadanka Switzerland.

Madaxa fulinta ee shirkada KK Group of Companies James Omwando  ayaa xusay in ay baaritaano dhacdadan la xiriirta wadaan balse ilaa iyo hada eedeysanahan anan gacanta lagu soo dhigin.

Ugu dambeyntina  bishii sedexaad ee sanadii 2014-kii  ayey ahayd markii shaqaale shirkadan ka  tirsan oo lagu magacaabo  Mr Julius Rotich uu la baxsaday lacag dhan 21.6 milyan   oo uu u waday xarunta ugu weyn oo ay shirkada KK security ku leedahay magaaladatan Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *