Hogaamiyaha baxsadka ah ee South Sudan Riek Machar oo daryeel caafimad u aadayo koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya Isiro  oo ka tirsan  jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegaya in  madaxweyne ku xigeenka  baxsadka ah ee sudaanta Koonfureed u raadsanayo visa si u daryeel caafimaad ugu tago waddanka koofur Afrika.

Riek machar ayaa la sheegaya in u qabo xanuun dhanka indhaha ah oo uu doonayo in lagaga soo daweeyo wadankaasi.

Jimcadii ayay ahayd markii diyaaradii qaramada midoobay ee siday Dr Machar  ay dib ugu labatay Dungu  oo maalma ka hor laga qaaday.

Dungu ayaa ah magaala  ka tirsan koofurta sudaan oo dhacda xadka ay la wadaagto  jamhuuriyada dimuqraadiyada congo ee DRC.

Afhayeenka Dr Riek Machar James Gatdet Dak ayaa sheegay in  madaxweyne ku xigeenkan lagu dhaawacay Dungu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *