Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galaya xuska madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jomo Kenyatta

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu maalinta barri ee Isniinta ah ka qeyb galo munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 38-aad ee kasoo wareegtay geerida madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jomo Kenyatta oo ahaa aabaha dhalay madaxweyne  Uhuru.

Bayaan u maanta oo axad ah soo saaray af hayeenka aqalka madaxtooyada Manoah Esipisu ayaa lagu sheegay in madaxweyne Kenyatta uu bari abaare 10 am barqanimo ubax dhigi doono qabriga aabihiis oo kuyaalla agagaarka dhismaha aqalka baarlamaanka ee magaalada tan Nairobi.

Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan wasiiirro iyo masuuliyiin kala duwan ayaa la filayaa in ay sidoo kale munaasabadaasi ka qeyb galaan.

Sanad walba ayaa la qabtaa xaflad noocaan ah oo lagu maamuusayo Mzee Jomo Kenyatta oo ka hor inta uusan hogaanka dalka la wareegin ahaa mid ka mid ah halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalka.

Hase ahaatee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa munaasabaddaan ka qeyb galkeeda ka baaqday sanadkii ugu horreeyay ee xukunka dalka u hayay ee 2013-ki.

22-ki bishii August ee sanadkii 1978-di ayey ahayd markii u Jomo Kenyatta ku geeriyooday magaalada Mombasa ee Gobolka Xeebta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *