Musalia Mudavadi oo sheegay in uunan la shaqeyneynin isbahaysiga Jubilee

Hoggaamiyaha isbahaysiga Amani Musalia Mudavadi oo wareysi gaar ah siiyay mid ka mid ah wargeysyada maxaliga ah ayaa sheegay in u tartan adag ku la jiro xisbiga siyaasadeed ee JAP.

Musalia ayaa sido kale carabka ku dhuftay  in ilaa iyo hada uunan garaneyn sababta keentay in laga lala laabto tiketkii jubilee ee la siiyay sanadkii 2013-kii.

Waxaa u intaas ku daray in uu madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa William Ruto jawaab la xiriirta  talaabadan si lama filaan ah loo qaaday uu ka sugayo.

Raysul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa dhanka kale sheegay in loo baahanyahay in siyaasada dalka aynan noqonin mid ku saleeysan qabiil balse mabaadi’i.

Wada hadalada u dhexeya isaga iyo hoggaamiyaasha isbahaysiga mucaradka ee Cord ayuu xaqiijiyay in ay yihiin kuwo  dhab ah.

Hasa ahaatee waxaa uu meesha ka saaray in uunan la shaqeyn doonin hogaamiyaasha isbahaysiga talada haya ee Jubilee maadama sida u hadalku uu u dhigay ay horay sumcad xumo ka soo gaartay.

Ugu dambeyntina, hogaamiyahan ayaa hoosta ka xariiqay in   uu ku raja weynyahay in wada hadalada u la yeelanayo  madaxda Cord  ay  noqdaan kuwo wax ku ool ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *