Wasiirka ciyaaraha ee dalka oo iska fogeeyay fedeexdaha Olimpikada Rio

Wasiirka  wasaarada  ciyaaraha iyo dhaqanka ee dalkan Kenya  Hassan Wario  ayaa shalay sheegay in uunan lahayn masuuliyada  dhibaatada orodyahaanada u dhashay Kenya ay kula kulmeen  caasimada Rio  ee wadanka Brazil.

Sido kale wasiirka oo shalay dib ugu soo laabtay wadanka ayaa wargeyska  the Sunday Nation u sheegay in gudiga qaran ee ciyaaraha olimpikada  ay leeyihiin masuuliyada la xiriirta maamul xumada kooxdan.

Wasiirka  oo arrintan ka hadlayay ayaa yiri  waxaan gaaray goobo badan oo ay ku tartamayeen orodyahaanada kenyaanka ah balse sarakiisha gudiga olimpikada ayaa ahaa kuwo goobta ka fog oo lagu wareejinayo babuurta  loo yaqaano limousines

Dr Wario  ayaa sheegay in tartamada olimpikada ee sanadkan  ay noqon doonaan mid si weyn taarikhda dalka loogu xuso guusho Kenya uga soo hooyatay.

Waxyaabaha muranka dhaliyay waxaa ka mid ah liiska orodyahaanada iyo  tirada wufuuda ee Brazil tagay.

Orodyahaano  u dhashay Kenya oo gaaraya 52  ayaa Rio la geeyay in kasta oo wasiirku uunan shaacinin tirada  rasmiga ee wafuuda ciyaaryahanadan wehlinaayay.

Ugu dambeyntina Dr Xasan Wario ayaa sheegay in uu baarlamaanka dacwad ka geynayo si ay u bedelaan sharciga  qeeybtiisa lagu qeexay awooda gudiga maareya ciyaraha olimpikada ee loo soo gaabiyo Nock charter  si  wasaarada ay mustaqbalka ugu suurta gasho in ay kormeer baahsan ku sameyaan tartamadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *