Xisbiga Wiper oo u dabaal dagayo abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyay Kalonzo Musyoka

Sarakiisha xisbiga siyaasadeed ee Wiper  iyo tageeradooda ayaa laisugu yeeray si ay u soo dhaweeyaan hoggaamiyaha xisbiga Kalonzo musyoka oo la filayo in u la soo laabto abaalmarin caalami ah.

Abaalmarintan ayaa ah mid la xiriirta  wax qabadka dhanka baniaadanimada ee hay’ada  Kalonzo Musyoka Foundation.

Hay’ad  u ololeysa xuququl aadanaha oo lagu magacaabo We Care for Humanity ayaa Kalonzo musyoka u magacawday shaqsi sharafka qaarada Afrika ee sanadan 2016.

Caawa saacada markii ay tahay 8-da fiidnimo ayaa la filaya in diyaarada sida u kaga soo ambabaxo mareykanka ayna ka soo caga dhigato  garoonka diyaaradaha ee JKIA.

Xiligii ay socotay munasabada lagu gudoonsiiyay abaalmarintan oo ka dhacday xarunta ugu weyn qaramada midoobay ee caasimada New York ayaa  la xusay dadaalada hay’ada Kalonzo Musyoka Foundation gaar ahaana dhanka tacliinta.

Waxa la sheegay in hay’adan ay  caruur dhan 2,000  oo ka soo jeedo qoysas tabar yar ay ka caawisay dhanka waxbarashada.

Sido kale hay’adan ayaa dhistay dugsi lagu magacaabo  Mama Malia Academy oo ay wax ka bartaan 300  oo arday oo isugu jiro agoon iyo kuwo ka soo jeedo qoysaska saboolka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *