Booliska oo xiray askari ka tirsan Milatariga oo lagu tuhmay inuu iibinayay walxaha qarxa

Waaxda dambi barista ee booliska Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay askari ka tirsan ciidamada difaaca dalka ee loo yaqaanno KDF-ta, askari kale oo horay uga tirsanaa Milatariga iyo 3 qof oo kale, kuwaasoo lagu tuhunsanyahay in ay iibin jireen waxyaabaha qarxa.
Ragaan ayaa la sheegay in ay qalabkaas amni darrada lagu abuuri karo ku iibin jireen xaafadda Lang’ata ee magaalada tan Nairobi.
Howlgalka lagu soo xiray shaqsiyaadkaan ayey sidoo kale booliska kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo hadda lagu sameynayo baaritaanno.
Mr Francis Otieno Oluoch oo ka tirsan saldhiga Milatariga Kabete Barracks, askariga hore oo lagu magacaabo Robert Osano iyo Mr Nathaniel Kiprono oo waardiye ka ahaan jiray xarunta macdanta ee xaafadda Athi River ayaa dhammaantood la xiray maalintii shalay ee axadda ahayd.
Dambi baareyaasha booliska ee gacanta kusoo dhigay ragaan eedeysan ayaa iska dhigayay in ay yihiin dad u baahan in ay walxaha qarxa iibsadaan.
Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale isla xalay xabsiga u taxaabay Mr Johnson Nyarang Omayio iyo Mr Simon Muturi Gichuki oo labnadaba kala daganaa xaafadaha Kitengela iyo Waithaka ee magaalada Nairobi.
Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Sirdoonka ee loo yaqaanno NIS-ta iyo ciidanka dambi barista ee CID-da ciidamada ilaalada duur joogta ee KWS-ta.
Waxaa hadda la guda galay baaritaanno culus oo lagu sameynayo dadkaan, si loo ogaado halka ay ka heli jireen qalabka qarxa iyo cidda ay ka iibin jireenba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *