Duufaan xoogan oo laga cabsi qabo in ay ku dhufato caasimadda Japan

Duufaan awood xoogan leh ayaa laga cabsi qabaa in ay si toos ah ugu dhufato magaalada Tokyo ee caasimadda u ah dalka Japan, sida laga soo xigtay khubarada dhinaca cilimalada.
Waxaa la baajiyay in ka badan 400 oo duulimaad oo maanta la filayay in ay ka baxaan garoomada diyaaradaha eek u yaalla magaalada Tokyo.
Jawiga ayaa sidii caadiga ahayd iska badalay kadib markii ay da’een roobab aad u culus oo wata dabeylo xoogan.
Dabeylaha oo aad u deg deg badan ayaa la sheegay in ay ku socdaan xawaare ay saacadiiba ku jarayaan qiyaastii 180 kilo mitir.
Saadaasha ay bixiyeen seynisyahannada Cililada ayaa lagu qeexay in duufaantaal oo loo yaqaanno Mindulle ay suurta gal tahay in ay dhulka imaato duhurnimada maanta oo isniin ah.
Hase ahaatee wali ma jiraan warar ku saabsan duufaantaasi oo laga soo tabiyay Japan, in kastoo la dhaafay xiligii la saadaaliyay.
Waaxda saadaasha hawada ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Tokyo iyo waqooyiga dalka Jaban ka codsaday in ay ka feejignaadaan saameynta ka dhalan karta duufaanta oo sababi karta in meelaha qaar uu dhulka go’o.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *