Baarlamaanka Libya oo kalsoonida kala noqday Dowladda ay Qaramada Midoobay Taageerto

Dowladda taageerada ka heysata Qaramada Midoobay ee dalka Libya oo hadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ayaa hoos u dhac weyn la kulantay kadib markii ay golaha baarlamaanka ee saldhiga ku leh bariga dalkaas u codeeyeen in kalsoonida lagala noqdo.

Codeynta ayaa shalay oo isniin ahayd ka dhacday xarunta golaha wakiillada baarlamaanka eek u taalla magaalada Tobruk ee bariga dalka Libya.

Xildhibaannada ayaa codkooda ku diiday in ay si kalsooni ku jirto u aqbalaan talo soo jeedintii maamulka dowladda eek u aadanaa habka loo dhisayo dowlad midnimo qaran ah oo Libya ay yeelato.

Af hayeen u hadlay baarlamaanka Libya oo lagu magacaabo Adam Boussakhra ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in inta badan mudaneyaasha xaadiray kulanka baarlamaanka ay taageereen in kalsoonida lagala noqdo dowladda.

Bishii December ayey ahayd markii uu go’aanka ku saabsan dowladda midnimada qaran ee awood qeysiga ah kasoo baxay shirkii ay qaramada Midoobay dhex dhexaadineysay ee ay yeesheen dhinacyada isku haya Libya.

Heshiiskaas oo in muddo ah la isku mari weysanaa ayaa ugu dambeyn lagu soo jeediyay Dowladdaas oo qorsheheedu ahaa in uu hogaamiyo raysul wasaare Fayez al-Sarraj.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *