Booliska oo baaraya dilka haweeney meydkeeda la helay

Ciidamada ammaanka ayaa billaabay baaritaanno ku aadan dilka haweeney qeybo ka mid ah meydkeeda oo la jarjaray laga helay xaafadda Umoja ee magaalada tan Nairobi.

Gacmaha, madaxa iyo lugaha haweeneydaas oo kala googo’an ayaa laga dhex helay bac weyn oo lagu soo riday, taasoo la dhigay meel u dhow dugsiga hoose/dhexe ee Fadhili.

Hase ahaatee, Qeybta dhexe ee jirka haweeneydaasi ayaan wali la helin, sida ay wararka sheegayaan.

Waxaa la tuhunsanyahay in haweeneydaas lagu soo dilay meelo kale, iyadoo aan la ogeyn ciddii dilkeeda fulisay.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo xiray tuhunka la xiriira falkaasi, walow ay booliska waqti xaadirkaan wadaan baaritaanno qota dheer.

Taliyaha ciidamada CID-da ee xaafadda Buruburu Jeremiah Ikiao ayaa sheegay in askarta uu taliyaha u yahay ay soo waceen dadka deegaanka ayna ku war galiyeen tuhunka ay ka qabeen bacda uu meydka ku jiray.

Mr Ikiao ayaa intaas ku daray in wali aan la ogaanin aqoonsiga haweeneydaasi, iyo halka ay kasoo jeeddo toona.

Dhacdooyinka ku saabsan dilalka loo adeegsado noocaan ayaa mararka qaar laga soo tabiyaa qeybo ka mid ah dalka, waxaana intooda badan loo aaneeyaa dhibaatooyin dhinaca qoyska ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *