Haweeney ilmo xaday oo xukun lagu riday

Haweeney dhashay 4 carruur ah oo dhawaan loo xiray eedeymo ku saabsan in ay xaday cunug 3 bilood jir ah ayaa lagu xukumay xarig 4 sano ah, kadib markii lagu helay dambigeeda.

Garsooraha maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Nakuru Josephat Burudi ayaa xukunkaasi ku riday Gladys Wamaitha, isagoo sheegay in aysan u qalmin in la sii daayo iyadoo ku kacday fal dambiyeed noocaasi ah.

Mr Burundi ayaa intaas raaciyay in waalidiinta dhashay gabdha yare e la xaday ay murugoonayeen muddo 1 bil ah oo ay ka maqneyd cunugtooda yar.

Maxkamadda ayaa intii kiiskaasi uu socday loo sheegay in haweeneyda eedeysanaha ahayd oo 32 sano jir ah ay cunugta yar u xaday si nin ay haasaawe wadaagayeen ay ugu cadeyso in ay cunug u dhashay.

Falkaas xaditaanka ah ayaa magaalada Nakuru ka dhacay 5-ti bishii July ee lasoo dhaafay.

Mrs Wamaitha, ayaa hadda heysata muddo 14 maalmood ah, si ay racfaan uga qaadato xukunka lagu riday.

Kiisaska ku saabsan xaditaanka carruurta ayaa mudooyinkaan kasoo if baxay qeybo ka mid ah dalka, iyadoo arrintaanna ay walaac xoogan ka muujiyeen waalidiinta.

Dhawaan ayey ahayd markii ay booliska ka howl gala Garissa gacanta ku dhugeen haweeney lagu eedeeyay in ay carruurta xaddo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *