Askariyad ka tirsan booliska oo isku dishay garoonka diyaaradaha

Haweeney askariyad ah oo ka tirsan booliska ka howl gala garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada tan Nairobi ayaa saaka isku toogatay gudaha garoonkaasi xili ay shaqo ku jirtay.

Askariyadda ayaa abaare 7 am subaxnimo xiliga geeska Africa rasaas isaga dhufatay madaxa, iyadoo isla markiina halkaas ku geeriyootay, sida uu xaqiijiyay ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska ee Garoonkaasi ku sugan Rono Bunei.

Mr Bunei ayaa sheegay in haweeneydaasi oo in muddo ah fasax ku maqneyd ay saaka dib ugu soo laabatay shaqada ayna waji furfuran oo farxad leh u muujineysay asxaabteeda shaqada.

Meydka haweeneydaasi oo ahayd hooyo dhashay 1 cunug ayaa laga helay suuliga dhexdiisa, kadib markii ay askarta kale maqleen dhawaaqa rasaastii ay isku dhufatay.

Mrs Jericho Pistol ayaa is dilitaankeeda u adeegsatay bastoolad ay ku shaqeyneysay, taasoo lagu arkay gacanteeda iyadoo meyd ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee hor seedday dhacdadaan, hase ahaatee Booliska ayaa hadda wada baaritaanno ku aadan arrintaan.

Falalka noocaan ah ayaa mudooyinkaan kusoo noqnoqday qeybo ka mid ah dalka.

3 isbuuc ka hor ayey ayey ahayd markii askari ka tirsanaa booliska ilaalada wadooyinka ee Taraafikada oo ka howl galayay Kisumu uu toogasho isku dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *