Qarax ka dhacay waddanka Thailand

Hal qof oo u dhashay waddanka Thailand ayaa laba qarax oo galinki dambe ee shalay ka dhacay meel u dhaw hotel ku yaala magaala xeebedka Pattani ku geeriyooday halka 30 qof oo kalena lagu soo waramayo in ay ku dhaawacmen sida ay sheegen booliska dalkaas.

Qarixi hore ayaa waxa u ka dhacay meel gawaarida la dhigto ee hoteelka Southern balse ma jirin cid wax ku noqotay sida u colonel ka tirsan ciidamada booliska ee dalkaas oo lagu magacaabo Winyu Tiamraj uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Qarixi labaad ayaa isna ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada ah kaas oo isna yeelay goobta laga soo galo isbitalkaas iyado oo u qaraxaasna sababay geerida hal qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmen.

Colonel Yutthanam Petchmuang oo ah afhaayenka ciidamada militariga ee hawlgalada ka dhaca gudaha waddankaas ayaa waxa u sheegay in baaburki loo adeegsaday qarixi labaad u ahaa mid laga soo xaday isbitaal waxana dadka ku sugnaa waqtigaas goobta u qaraxa ka dhacay ay u qateen baaburkaas in u ahaa midka gurmadka deg dega ah.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya wax ka yar laba isbuuc kadib marka ay laba qarax lala beegsaday magaala xeebedya kuyaala gobolka Thai ee kuyaala koofur dalkaas lagu qaaday waxana ku geeriyooday afar qof halka toboneeya kalena ay ku dhaawacmen.

Wasiirka difaaca Prawit Wongsuwan ayaa waxa u durbadiiba ka hadlay qaraxyadaas ka dhacay dalkaas isago meesha ka saaray in ay wax xiriir ah leeyihiin qaraxyada dalkaas shalay ka dhacay iyo kuwa horey uga dhacayba.

Waddankaas ayaa boqolkiiba 10 waxa u dhaqaalihiisa ku tiirsan yahay dalxiiska.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadi dalkaas ka dhacay inta u dhexeysay 11-ka ilaa iyo 12-ka ee biisha Septembar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *