12 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday jaamacad uu mareykanka ku leeyahay Afganistan

12 qof ayaa ku geeriyootay weerar lagu qaaday jaamacad ay leedahay maraykanka oo ku taala magaalada Kabul ee wadanka Afghanistan arroornimada saaka oo khamiis ah sida ay sheegen ciidamada booliska ee waddankaas.

Fraidoon Obaidi oo ah madaxa ciidamada dambi baarista ee waddanka Afghanistan ayaa waxa u sheegay in tirada dadka ku dhaawacmay weerarkaas ay yihiin 44 qof oo 35 kamid ah ay yihiin arday wax ka baraneysay jaamacadaas.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay dileen laba qof oo lagu tuhunsanyahay in ay weerarkaas soo maleegen isla markaasina ka dambeeyen si ay u soo afjaraan weerarkaas bilawday galinki dambe ee shalay kaas oo ku bilawday dhawaaqa qarax weyn oo ay daba socotay rasaas sida u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ee waddankaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *