Heshiis taarikhi ah oo dhex-marey Colombia iyo Jabhadda FARC

Xukuumadda Colombia iyo Jabhadda FARC ayaa caasimadda dalka Kuba ee Havana ku kala saxiixdey heshiis taariikhi ah, kaas oo wada hadalkiisu socdey muddo afar sano ah.

Heshiiska ayaa micnihiisu yahay in la soo afjaro dagaaladii ugu mudada dheeraa adduunka kaas oo socdey in ka badan 50 sano.

Kadib wada hadal qaatey muddo afar sano ah oo u dhexeeyey Xukuumadda Colombia iyo Jabhadda Maarkisiyiinta ee FARC ayaa habeenimadii xalay qalinka lagu duugey heshiis rasmi ah.

Dagaalada iyo muranka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa soo jitamaayey tan iyo sanadkii 1964.

Maanta ay waxaan ku dhawaaqi karaa in aan buuxiyey awoodii shacabku i siiyeen, ayuu yiri Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos, kadib markii uu saxiixey heshiiska.

Madaxweyne Santos ayaa markii labaad xilka loo doortey sanadkii 2014, waxaana uu ballan qaadey in uu Colombia nabad ku soo dabaali doono.

Heshiiska la gaarey ayaan faah-faahin dheeraad ah laga bixin, waxaase ku jiro qaybo u baahan in afti dadweyne loo qaado, kaas oo u muqata in wax laga beddelaayo dastuurka dalkaas.

Heshiiska waxaa kamid ah qiyaastii 6000 ilaa 7000 oo kamid ah dagaalyahanada jabhadda FARC in ay heli doonaan taageero, si ay bulshada u dhexgalaan.

Sidoo kale heshiiska waxaa kamid ah qaaraamid iyo maalgelin lagu samaynaayo dhulka Jabhadda kaas oo muddo dheer aan helin wax hormar ah.

Muddooyinkii dambe Jabhadda FARC ayaa khasaarooyin lixaad leh la kulantay waxaana ay noqdeen kuwo u baxsada kaymaha waa weyn.

2 thoughts on “Heshiis taarikhi ah oo dhex-marey Colombia iyo Jabhadda FARC

  1. Auto title loans: These quick-term loans, where they’re authorized, require
    you at hand over the title to your automobile
    as collateral for the debt.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *