Laanta canshuuraha dalka oo u yeertay gudoomiyaha gudiga la dagaalanka Musuqmaasuqa

Gudoomiyaha gudiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee EACC Philip Kinisu ayaa looga yeeray waaxda canshuuraha dalka ee KRA, si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan lugta uu ku talaa heshiisyo lacageed oo ku saabsan laanta adeega dhalinyarada qaranka ee NYS-ta.

Mr Kinisu ayaa arrimahaan shaaca ka qaaday mar uu kasoo hor muuqday gudiga cadaaladda iyo arrimaha sharciga ee aqalka Baarlamaanka.

Gudoomiyaha gudiga EACC ayaa kulamo la yeelanaya xubnaha gudigaasi oo hadda il gaar ah ku eegaya in la gudbiyo mooshin ku saabsan in xilka laga qaado Mr Kinisu.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu dacwad ka dhan ah Kinisu gudbiyay nin lagu magacaabo Albert Mokono Ondieki, oo eedeymo u jeediyay sarkaalkaasi.

Sarkaalkaan ugu sarreeya laanta la dagaalanka Musuqmaasuqa eedeymo la kulmayay tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in shirkad lagu magacaabo Esaki Limited oo ay qiyskiisa leeyihiin isagana uu agaasime ka ahaa sheerna ku leeyahay ay ka qeyb qaadatay heshiisyo dhaqaale oo ay ka gashay laanta adeega dhalinyarada qaranka ee NYS-ta oo laga lunsaday lacago malaayiin shilin ah.

Shaqsiyaad dhowr ah ayaa horay wajahayay maxkamadeyn ku saabsan waxa ay ka ogyihiin nidaamkii musuqmaasuqa ahaa ee NYS-ta looga qaatay lacag dhan 791 million oo shilinka dalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *