Musalia mudavadi oo ku eedeyay Gavanayaasha dalka in ay ku guuldaresteen hormarinta iyo meel ka gaarida dowlad goboledyada

Musalia mudavadi oo ah hogaamiyaha xisbiga ANC ayaa eedeyn kulul dusha kala dul dhacay gavanatoorayaasha Maamul goboledyada dalka isagoo ku eedeeyay in ay ku ciyaaren countiyada ay hogaamiyan.

Waxaa u sheegay in marki hore laga dhur sugaayay sida ay shacabka oga fa’aideysan doonan maamul goboleyda balse waxa uu carabka ku dhuftay in countiyada dalka ay hadda soo wajaheen musuq maasuq iyo arrimo kale.

Mudavadi oo doonayo in uu u tartamo xilka madaxtinimada doorashada soo socota oo lagu wado in ay dalka sanadka 2017-ka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta countiyada sida Gavanayaasha iyo MCY-da ay ku guuldaresteen in hor mar la taaban karo ka fuliyaan degmooyinka hostago Maamul goboledyadooda.

Hadalkan ka soo baxay Mudavadi ayaa daba socoday iyadoo goor sii horeysay la sheegay in countiyada dalka ay kaalimaha hore kaga jiraan dhinaca musuq maasuqa.

47-da counti oo u dalka ka kooban yahay ayaa waxay la socotay dasturkii loo codeeyay sanadkii 2010-kii.

Mas’uulkan oo markiisii labaad u tartamaayo xilka ugu sareeyo dalka ayaa hadaladan ka jeediyay xili uu khudbad ka jeedinayay aqalka hoose ee wakiilada Countiga Vihiga.

Musalia mudavadi ayaa kaalinta sedexaad ka galay doorashadii dalka ka dhacday 2013-kii xiligaas oo uu xilka ku guulestay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *