Qof bukaan ah oo lagu dhex dilay isbitaal ku yaalla Mwingi

Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka bukaanka ah ee ku sugan isbitaal ku yaalla magaalada Mwingi ee maamul goboleedka Kitui ayuu argagax weyn ku dhacay kadib markii uu nin hubeysan gudaha u galay isbitaalkaasi uuna toogasho ku dilay mid ka mid ah dadkii bukaanka ahaa ee jiifay halkaasi.

Falkaan oo dhacay abaare 3 am habeenimo ee xalay ayaa u muuqday mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayay ninka ku jiray isbitaalka oo dhaawac ahaa.

Dad goob joogeyaal ah oo isbitaalka ku sugnaa ayaa sheegay in ninka hubeysan uu isla markiiba goobta ka baxsaday toogashada kadib, xili ay bukaannada kale ka cabsi qabeen inuu waxyeello u geysto.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ngandi Malia Musyemi, oo 27 sano jir ahaa ayaa isbitaalka looga daweynayay dhaawac rasaas oo soo gaaray xili dhac loo geysanayay gaari uu saarnaa.

Hase ahaatee, Qofka isbitaalka sida qarsoodiga ah hubka ula galay ayaa ku dhuftay ilaa 17 xabadood oo rasaas ah, sida ay wararka sheegeen.

Musyemi ayaa markii isbitaalka la geeyay isagoo dhaawac ah waxa uu booliska u sheegay in dhaacawa iyo dhaca ay maqribnimadii xalay u geysteen 4 nin oo ku hubeysnaa bastoolado.

Koox ka tirsan ciidamada dambi barista oo gaaray isbitaalka uu falkaan ka dhacay ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dhacdadaasi.

Taliyaha ciidamada CID-da ee gobolka bariga Henry Ondiek ayaa sheegay in ay ciidankiisa dadaal ugu jiraan aqoonsiga dableyda weerarkaas fulisay.

 

 

Sanadkii 2012-ki ayey ahayd markii fal noocaan oo kale ah, nin ka badbaaday fal ay burcad u geysteen oo uu ku dhaawacmay lagu dhex toogtay isbitaal ku yaalla Makindu ee maamul goboleedka Makuweni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *