Tirada dadka ku geeriyootay dhul gariirkii Talyaaniga oo kor u dhaaftay 240 qof

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay dhul gariir awood badnaa oo maalintii arbacada ahayd ku dhuftay magaalooyin ku yaalla bartamaha dalka Talyaaniga.

Ilaa 247 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dhul gariirkaasi oo uu cabirkiisa ahaa 6.2 magnitude, oo ah cabirka lagu qiyaaso dhul gariirrada.

Saameynta dhul gariirkaasi ayaa gaartay qeybaha waqooyi ee magaalada Bologna iyo qeybaha koonfureed ee magaalada Naples oo labaduba dhaca bartamaha wadanka Talyaaniga.

Ku dhawaad 370 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay saameynta ka dhalatay dhul gariirkaasi, sida ay sheegeen masuuliyiinta waaxda maareynta musiibada qaran ee dalka Talyaaniga.

Kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa wali ku howlan baadi goobta ay ku raadinayaan dad ay suurta gal tahay in ay noolyihiin oo ay ku hoos jiraan bur burka dhismeyaasha.

Waxaa laga cabsi qabaa in wali ay sii badan karto tirade dhimashada iyo qasaaraha kale ee ka dhashay dhul gariirkaasi, iyadoo wali qaar ka mid ah dadka ay ka baqayaan in ay guryohooda ku laabtaan, maadaama ay suurta gal tahay in awooda gil gilashada ay sababto in guryaha qaarkood ay isaka soo dumaan.

Markii ugu dambeysay ee uu dhul gariir sidaan u xoogan ku dhufto magaalooyinka bartamaha Talyaaniga ayaa waxa ay ahayd sanadkii 2009-ki, waxaana xiligaas ku dhintay in ka badan 300 oo qof.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *