Xassan Wario oo kala diray gudiga ciyaaraha Olyompicada

Wasiirka wasaarada ciyaaraha Hassan Wario ayaa maanta ku dhawaaqay in u kala diray gudigii u xil sarnaa ciyaaraha olympicada, ciyaarahaas oo goor sii horeysay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Rio ee dalka Brazil.

Wasiirkan oo cadaadis xoog leh la kulmayay ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in la dhisay gudi baaritaano qoto dheer kusameysa gudigaasi qaran ee ciyaaraha iyadoo natiijadana ay soo saari doonaan 30-ka bisha September.

Waxa u sheegay in gudigan oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano NOCK aysan kasoo bixin waajibadkii loo igmaday xiligii ay joogen dalkaasi Brazil oo ay ciyaaraha ka socdeen.

Hassan Wario oo maalmihii la soo dhaafay baraha ay kuwada xiriiran bulshada lagu soo qorayay Wario xilka ha katago ayaa waxaa uu iska fogeeyay edeymaha loo jeedinaya isagoo eedeyntaasi dusha ka saaray gudiga qaran ee ciyaaraha olimpikada maadama sida u sheegay ay leeyihiin masuuliyada la xiriirta maamul xumada kooxdan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato islamarkaana ka hadlayay Mas’uuliyad darada gudigaasi, ayaa waxaa uu sheegay in goobo badan oo ay ku tartamayeen orodyahaanada kenyaanka ah aan laga helin oo xiligaas joogin sarakiisha gudiga olimpikada kuwaas oo ahaa kuwa goobta ka fog oo lagu wareejinayo babuurta  loo yaqaano limousines-ka.

Orodyahaano  u dhashay Kenya oo gaaraya 52  ayaa Rio la geeyay in kasta oo wasiirku uunan shaacinin tirada  rasmiga ee wufuuda ciyaaryahaanadan wehlinaayay.

Ugu dambeyntina Dr Xasan Wario ayaa sheegay in uu baarlamaanka dacwad ka geynayo si ay u bedelaan sharciga  qeeybtiisa lagu qeexay awooda gudiga maareya ciyaraha olimpikada ee loo soo gaabiyo Nock charter  si  wasaarada ay mustaqbalka ugu suurta gasho in ay kormeer baahsan ku sameyaan tartamadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *