Alfred Mutua oo isaga baxay xisbiga wiper

Gavanaha countiga Machakos Alfred Mutua ayaa fidnimada xalay sheegay in u isaga baxay xisbiga Wiper ee u hoggaamiyaha u yahay Kalonzo Musyoka waxana u shaaca ka qaaday ka bixitankiisa ee xisbigaas fidnimada xalay xili u ka hadlaayay munaasabad u ku dahfuraayay xisbi cusub ee u isaga leeyahay kaas oo lagu magacaabo Maendeleo Chap Chap.

Xaflada dahfurka oo ay ka soo qeyb galeen dad badan ayaa waxa ay ka dhacday hoolka weyn ee Bomas of Kenya waxana ka soo qeyb galayaasha lagu arkaayay iyago sita fanaanado maroon ah oo astaan u ah xisbigaas cusub.

Gavanaha countiga Machakos Alfred Mutua ayaa waxa xalay sidoo kale u soo bandhigay wax qabadkiisa mudada u hayay xilka gavanatornimo ee countiga Machakos.

Gavanaha ayaa sheegay in xisbigiisa u gacan weyn ka geeysan doono in u wax ka qabto dhibaatoyinka ay in muddo ahba dadka kenyanka ah la daala dhacaayen oo ay kamid tahay qabyalada isago sheegay in u xisbigiisa xooga saari doono sida u ku mideyn lahaa dadka Kenyanka ah.

Mr Mutua ayaa waxa u sidoo kale sheegay in u ka hortagi doono falalka anshax darada ee dhinaca shaqooyinka,musuq maasuqa iyo la’aanta waxyabaha asaasiga ah ee ay dadka Kenyanka ah heysanin.

Xafladan lagu dahfuraayay xisbigan cusub ee u gavanaha Countiga Machakos hoggaamin doono ayan lagu casumin shaqsiyaadka siyaasada dalkan Kenya ku jiro.

1 thought on “Alfred Mutua oo isaga baxay xisbiga wiper

  1. Hello there! I could have sworn I’ve been to this web site before but after going
    through some of the posts I realized it’s new to me.
    Anyways, I’m certainly pleased I came across it and I’ll be book-marking it and checking back regularly! http://www.yahoo.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *