Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay bilada ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee qaarada Yurup

Ciyaaryahanka u dhashay waddanka Portuqal uuna dheela kooxda ka dhisan magaala madaxda waddanka Spain ee Madrid Real Madrid ayaa waxa markiisa labaad lagu dhawaaqay in u ku guuleysatay bilada ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaarada Yurup kadib marki u xili ciyaareedka aanu soo dhaafnay u ku guuleystay koobka Champions liiga iyo kan qaarada Yurup oo ay hal gool iyo eber ay ciyaarta kama dambeysta ah kaga adkaaden xulka martigalinaayay ciyaarahaas ee faranse.

Waxa biladaas sidoo kale kula tartamaayay ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Gareth Bale iyo weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Ronaldo oo 31 sano jir ah ayaa dhaliyay rigoore u horseeday kooxdiisa in ay ku guuleysato koobka champions liiga kaas oo ay ciyaarta kama dambeysta ahayd qab rigoore ah ay kooxdiisa kaga guuleysatay kooxda ay isku magaalada yihiin xifaaltanna u ka wada dhexeeyo ee Atletico Madrid waxa u sidoo kale qarankiisa ku hoggaamiyay in ay ku guuleystan koobka yuroga ee sanadkan ka dhacay waddanka faransiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *