Golaha Ammaanka oo cambaareeyay tijaabada Waqooyiga Kuuriya ee gantaalkeeda ridada dheer

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareeyay tijaabada Waqooyiga Kuuriya ee gantaalkeeda ridada dheer, kaasoo ay dhawaan riday.

Xubnaha joogtada ee Golaha Ammaanka ayaa isku raacay cambaareynta Waqooyiga Kuuriya, iyadoo dowladda Shiinaha ay taageertay qaraarkan.

Waqooyiga Kuuriya ayaa khamiistii tijaabisay gantaal riddo dheer oo ay u riday dhinaca Japan, waxana laga dhex ganay Gujis ku sugnaa badda gudaheeda.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay in aanay ku fiirsan doonin waqooyiga Kuuriya ficilada ay ku tijaabiso gantaalkeeda.

Hase ahaatee Golaha ayaan sheegin waxa ay noqon doonto talaabada ay ka qaadi doonaan Waqooyiga Kuuriya.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowr jeer oo hore tijaabisay gantaal riddo dhow iyo mid dheer, waxana Mareykanka iyo Golaha Ammaanka ay ku soo rogeen cunaqabateyn kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *