Ciidamada Turkiga oo bartilmaamedsanaya dagalyahanada Kurdish ee ku sugan Jarablus

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada wadanka Turkiga aya  bilaabay in ay bartilmamedsadaan dagaalayaanada Kurdish eek u sugan  magaalada  istaratiijiga ah ee Jarablus oo  dhacdo koonfurta Suuriya.

Sida laga soo xigtay ila wareedyo maxali ah , Turkiga ayaa dhanka kale howlgalo  amniga  la xiriira ka wado waqooyiga suuriya.

Arbacadii ayey ahayd markii Turkigu uu  bilaabay labo howlgalo oo lagu wado in ay mudo qataan oo ka dhan ah kooxda isugu yeerta  khilaafada islaamiga ah ee ISIS.

Hay’ad xuquuqul insaanka u ololeysay oo fadhigeedu yahay ingiriiska  aya sheegtay in shalay oo sabti ahayd duqeymo dhanka circa ah laga fuliyay tuulada Amarneh, .

Tuuladan ayaa waxaa horay u qabsaday ciidamada suuriya ee SDF oo  uu garab siinayo mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *