Gudomiyaha gudiga IEBC Axmad Issaq Xassan oo sheegay in uu diyar u yahay in uu xilka baneeyo

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Axmad Issaq Xassan  ayaa sheegay in uusan ka qoomamoneyn hadii uu xilka baneeyo  oo uu dib ugu laabanayo howlihiisi hore.

Axmad Issaq ayaa intaas ku daray in uu sii wadanayo shirkadiisa gaarka ah ee Hassan & Warsame Company Advocates.

Waxaa uu intaas ku daray in uu ahaa mid shaqadiisa ay ka go’antahay  lixdii sano ee ugu dambeysay  oo uuna si sharaf leh  xafiiska u baneynayo .

Sido kale gudoomiyaha ayaa xusay in danta dalka ay tahay mid ka weyn kana muhimsan mida shaqsiga.

Hadalka madaxa IEBC ayaa ku soo begmaya kadib markii gudiga laba geedsoodka ah ee ku howlanaa isbedelada lagu sameynayo gudiga doorashooyinka iyo xuduudada  uu soo jeediyay in gudi hor leh oo maareyo doorashada 2017-ka  la soo magacaabo.

Ugu dambeyntina hadalkan ayuu gudoomiyuhu ka jeediyay  kulan ka dhacay kitengela  oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 30 qareen oo ay sanadii 1992  isku mar ka  qalin jabiyeen jaamacada  Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *